Dhageyso: Faarax C/qaadir oo loo heysto qiyaano uu sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beesha uu kasoo jeedo xildhibaan Faarax C/qaadir oo doorweyn ku leh dhaqdhaqaaqa siyaasada Soomaaliya ayaa ku dhagan xildhibaanka.

Odayasha beesha reer Aw-xasan oo uu kasoo jeedo Faarax C/qaadir ayaa ka cabanaya badalaad uu ku sameeyay Ugaaska beeshaasi, oo uu ku badalay ugaas kale oo isaga ay is fahamsan yihiin, sida odayaasha ay sheegeen.

Qaar kamid ah waxgaradka beesha reer Aw xasan ayaa sheegay ineysan aqbalsaneyn islamarkaana beeshooda uusan matali karin shaqsiga lagu badalay ugaaska rasmiga ee beeshaasi.

Eedeymaha la xiriira wax ka badalka ugaasyada beelaha ayaa waxay ku soo kordheen Soomaaliya kaliya sanadkaan, maadaama madaxda haatan talada dalka haya ay doonayaan iney markale soo laabtaan.

Ugaasyada beelaha Xawaadle, Asharaaf, beesha Ceyr iyo beelo kale ayaa horey cabasho kaga keenay kadib markii badalaad lagu sameeyay.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/06/Maqal-_-Muqal.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com