Xog: Xasan Sheekh oo laba arrin kala hadlay BEESHA CAALAMKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in arrimo muhiim ah uu kala hadlay wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wakiilada uu u sheegay baahiyaha gaarka ah ee Somalia, isaga oo muhiimad gaar ah u arkay laba qodob oo xiligooda la joogo, sida uu hadalka u dhigay.

Xassan Sheekh waxa uu tilmaamay in qodobka koowaad ee uu kala hadlay ay tahay dhisida iyo diyaarinta ciidamada dowlada ka hor inta aan la gaarin xiliga ay dalka ka bixi lahaayen AMISOM.

Qodobka labaad ee uu diirada ku saaray kulanka uu la qaatay Beesha Caalamka ayuu ku sheegay inay tahay in wakhti dheer DFS lasoo gaarsiiyo dhaqaalihii ay saaxiibada Somalia u ballanqaaden Somalia si ay ugu sii diyaar garoobaan doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka.

Wuxuu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu xiligaani qodobo muhiim ah u arkay labadaasi qodob waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay qaabka ay uga jawaabi doonaan dowladahaasi ballanqaadkii ay sameeyen.

DFS ayuu sheegay inaanu diyaar u aheyn xiligaani in ciidamada AMISOM ay sii joogaan Somalia, waxa uuna carab dhabay in ahmiyadoodu tahay in la helo ciidamo Soomaali ah oo hanakara amniga dalka.

Sidoo kale, Xassan Sheekh ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inaanu mar danbe dhici doonin ciidamo ka cawda mushaar la’aan.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa imaanaya xili ciidamada dowlada ay yihiin kuwo aan helin xuquuqdooda waxa uuna ilaabay in ciidamada dalka difaaci lahaa uu isaga kala eryay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com