GALLAN oo sheegay hadal kasii daray xiisadda dagaal ee P/LAND

Muqdisho (Caasimda Online)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa ka hadlay dagaalka uu kula jiro Maamulka uu Hogaaminaayo C/wali Gaas.

Mr Gallan waxa uu sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in C/wali Gaas uu ka eryo dhammaan deegaanada Puntland wixii intaa ka danbeeyana isaga iyo ragga kasoo horjeeda Gaas ay ka arrimiyaan Puntland.

Gallan waxa uu cod dheer ku sheegay in C/wali Gaas uu musuq-maasuq baday dhammaan shaqaalaha ka howlgala xarumaha maamulka loona baahan yahay in arrintaasi ay laalaan si loo helo cadaalad aan cid gaar ah u eexan doonin.

Gallan waxa uu tilmaamay in dhaqaalaha kasoo baxa Puntland uu dhaafi la’ yahay Madaxtooyada taasina ay tahay xaaraan loo baahan yahay in laga gaashaanto.

Wuxuu tibaaxay in isaga iyo ciidamada uu wato ay booska kala wareegi doonaan C/wali Gaas, islamarkaana ay abuuri doonaan Puntland cusub oo ka duwan tan iminka jirta.

Gallan waxa uu riyo maalmeed ku sheegay in C/wali Gaas uu awood ku heysan karo shacabka Puntland waxa uuna ku goodiyay in awood ay kula wareegi doonaan Madaxtooyada maamulka.

Geesta kale, Gallan waxa uu cadeeyay in mowqifkiisa uu yahay keliya in cagta la mariyo C/wali Gaas iyo inta isaga ku taageerta siyaasada khalafsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com