Xog: Xasan Sh. oo xil ka qaadis la damacsan taliyaha NISA ee…

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud uu doonaayo in xil ka qaadis uu ku sameeyo Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir C/xakiin Farey.

Madaxweynaha dalka ayaa iminka diyaarinaaya shaqsiga lagu bedeli lahaa C/xakiin Farey oo isaga xilkaasi haya ku dhawaad sanad iyo bar.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa iminka miiska u saaran ilaa Afar mas’uul oo iyagu tartan ugu jira xilkaasi kuwaasi oo qaarkood horay usoo qabtay xilka uu iminka hayo C/xakiin Farey.

C/xakiin Farey, ayaa waxaa ku badatay dhaliisha ah inaanu qaban howlihii loo igmaday, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in xil ka qaadista lala damacsan yahay ay tahay mid ka fog eedaha la xiriira amniga.

Lama oga cida rasmiga ah ee bedeli doonta C/xakiin Farey, waxa ayse xogta u badan tahay in Fareey xilkaasi uu weyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com