DF Somalia oo lagu wareejinayo ajaaniibtii dhowaan lagu qabtay…

Kismaayo (Caasimada Online)- Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la wareegeysa shan ruux oo ajaaniib ah oo dhawaan lagu qabtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, sida saraakiisha Jubbaland ay sheegeen.

Xasan Qeyre Axmed oo ah taliyaha ciidamada ciidamada booliska ee Jubbaland oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shan ruux ee ajaaniibta ee la qabtay lagu hayo magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay marka laga reebo hal ruux oo caafimaad ahaan aan wanaagsaneyn laguna dadaalayo xaaladiisa caafimaad.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wareejinayaa shanta ruux ee kasoo jeeda jazeerada Comoros, sida uu sheegay taliyaha ciidamada booliska ee Jubbaland.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in amaankooda iyo caafimaadkooda ay xaqiijinayaan, balse wareejinta iyo dib u celinta dadkaasi ay u taalo dowlada Soomaaliya, maamulka Jubbaland iyo jazeerada Comoros.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com