Xildhibaan DUCAALE oo loo sheegay inuu baneeyo kursiga

Beesha Ow-bakar Gaabane ee Harti Abgaal oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa si cad uga hortimid hanka Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow (DUCAALE) uu ku doonayo in dib uu u helo kursiga xildhibaanimo ee beeshaasi, oo uu soo hayay shantii sano ee ugu dambeeysey.

Waxgaradka, aqoonyahanada iyo dhalinyarada Beesha shirar gaar gaar ah ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey xildhibaan Ducaale mid aan wax dan ah u qaban qaranka iyo beesha mudadii uu xilka hayay, sidaas darteedna ay go’aansadeen in booskaasi loo helo cid kale oo kaga wanaagsan.

Waxa ay ku eedeeyey inuusan xil iska saarin xalinta mashaakilaadka beesha dhexdeeda, iyo degmada Aadan yabaal oo uusan wax gurmad ah ka geysan dhibaatada ka jirta, iyo in sidoo kale fadhiyada barlamaanka qaranka uusan ka ahayn xubin muuqata oo ay dhacdo inuusanba ka qayb galin shirarka barlamaanka ee looga hadlayo danta qaranka, oo kursiga xildhibaanimada ay noqotay oo kaliya mid uu ku ilaashado ganacsigiisa gaarka ah iyo dadka ay isbahaysiga yihiin ee urur diimeedka Al-Itixaad.

Ugu dambeyntii waxgaradka, siyaasiyiinta iyo dhalinyarada beesha Ow-bakar Gaabane ee Abgaal ayaa go’aan ku gaaray inay ku bedeli doonaan shaqsiga ay u arkaan inuu mudan yahay islamarkaana ka madax banaan kooxa diimeedyada soomaaliya qaska ka wada, islamarkaana u shaqeyn kara guud ahaan qaranka gaar ahaan beesha oo wax badan ku dayacneed siyaasadda dalka iyo nidaamka saami qaybsiga dowladnimada soomaaliya.

Caasimada Onlineaaaa
Xafiska Muqdisho
Caasimada@live.com