DF oo si yaab leh ugu jawaabtay Hayada Culumada Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online)- Hayada Culumada Soomaaliyeed ayaa maalintii shalay soo saartay warbixin ay kaga hadlayeen sharci ay wasiirada xukuumada Soomaaliya horgeysay wasaarada haweenka kaasi oo ka hadlayay Jinsiga.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka jawaabtay  eedeynta hayada culumada Soomaaliyeed oo sheegtay in waxyaabo badan ooka hor imaanaya diinta islaamka ay ku jiraan sharcigaasi.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray culumada Soomaaliyeed.

Wasiirka wuxuu sheegay in sharciga aysan ku jirin waxyaabahaasi balse la doonayo in la siyaasadeeyo islamarkaana lagu kiciyo dareenka shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in golaha wasiirada inta aysan ansixin ka hor sharcigaasi in la marsiiyay waaxda dhaqanka ee golaha wasiirada lagana fiiriyay meel walbaa,balse aysan ku jirin qodobada culumada au sheegeen.

Guud ahaan Soomaalida ayaa aad u hadal haysa hadalkii shalay kasoo baxay hayada culumada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com