Faarax C/qaadir oo u hanjabay agaasimaha madaxtooyada (Xog)

Muqdisho ( Caasimada Online) – War xog ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in shaley galab uu xildhibaan Faarax Cabduqaadir oo ah madaxa ololaha doorashada madaxweyne Xasan Shiikh uu si kulul u canaantey agaasimaha madaxtooyada Cali Balcad, isaga oo ugu hanjabey inuu shaqada ka burin doono.

Xildhibaan Faarax ayaa ku eedeeyey agaasimaha madaxtootada inuu ka hurday olalaha doorashada Madaxweynaha oo ay ahayd buu yiri inuu xilligan dardar ku socdo, waxana isla xaley sawirro kala duwan laga qaadey madaxweyne Xassan Shiikh oo lagu soo daabici doono boorar waaweyn oo lagu dhejiyo magaalada, kuwaasi oo lagu muujinayo muuqaalka madaxweynaha iyo hadalo soo jiidasho leh oo kooxda Damjadiid ay ku dooneyso iney shacabka usoo babdhigto.

Sidoo kale xildhibaan Faarax Cabduqaadir ayaa amar adag dul dhigay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdusho Shiikh Yuusuf Madaale, isaga oo ku amrey inuu burburiyo boorarka musharaxiinta kale ee kasoo horjeeda madaxweynaha, halka kuwa lasafka ah ee sida aan runta aheyn u sharaxanna loo daayo boorarkooda , wuxuuna u caddeeyey in meelaha muhiimka ah ee faras magaalada lagu dhejiyo kaliya boorarka madaxweyne Xassan Shiikh.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa noqday musharaxii ugu horreeyey ee isla shalay boorarkiisa laga fujiyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxa ololaha doorashada madaxweyne Xasan Shiikh, Faarax Cabduqaadir ayaa u caddeeyey gobolka in aysan aqbaleyn boor musharax kale inta aan magaalada lagu wada dhejin oo laga buuxin boorarka Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqsisho
caasimada@live.com