JOWHAR: Ethiopia iyo IGAD oo madaxweyne cusub diyaariyey iyo Abgaal oo carreysan + Magaca

Jowhar (Caasimada Online) – Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in Itoobiya iyo urur Goboleedka IGAD ay wadaan qorshe shirka Jowhar lagu doonayo madaxweyne ka soo jeeda Gobolka Hiiraan

Qorshahan oo ay kasoo shaqeeyaan Itoobiya iyo IGAD ayaa ah in shaqsi ka soo jeeda Beesha Xawaadle oo ka mida siyaasiyiinta sida weyn ugu xiran Itoobiya uu madaxweyne ka noqdo maamulka loo dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ujeedka arrintan ayaa ah in lagu damiyo mucaaradka iyo kacdoonka uu hogaaminayo Ugaas Xasan ee Beledweyne ka wado Beesha Xawaadle, isla markaana lagu dhiso maamul uu hogaamiyo siyaasi Itoobiya gacansaar la leh.

Ninkan ay Itoobiya iyo IGAD u soo xusheen inuu maamulkan hogaamiyo ayaa lagu magacaabaa Cali Caraale, wuxuuna hore uga mid ahaa wasiiradii dowladdii C/qaasim Salaad ee KMG ahayd, isagoo ka soo jeeda jufada ugu tunka weyn Beesha Xawaadle.

Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka beesha Abgaal oo arrintan gadood ka sameeyay ayaa la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe loo xilsaaray inay xaliyaan, waana tan keentay inuu dib u furista shirka Jowhar dib u dhaco maalmo kale.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo hore xilka madaxweynaha labada gobol u balan qaaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hor yimid arrintan, waxayna wararku sheegayaan in Jen. Gabre uu dadaal weyn u galay inuu qanciyo siyaasiyiinta iyo odayaasha kasoo jeeda Beesha Abgaal oo u muuqata inay ka caga jiidayaan arrintan.

Shirka Jowhar oo hadda la filayo inuu Arbacadda Beri furmo ayaa weji cusub yeeshay, waxaana la arki doonaa in rabitaanka Itoobiya iyo IGAD uu dhaqan galo iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com