Faarax C/qaadir oo Xamar kusoo laabtay kaddib muddo uu jiranaa (Xog laga bixiyey qorshihiisa)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, ahaana wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo xanaanada xoolaha ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib marki uu muddo bilo ah arrimo caafimaad ugu maqnaa Turkiga.

13-kii bishan ayay Caasimada Online xog muhiim ah ka qortay xaaladda caafimaad ee Faarax C/qaadir. Halkan ka aqri xogta.

Soo dhoweyntiisa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka iyo wasiirada, waxaana garoonka ku marxabeeyay saaxiibadiis iyadoo ay ka muuqatay inuu kasoo kabanayo xaalad caafimaad darro oo muddooyinkii danbe la soo deristay.

Xildhibaanka oo ahaa nin aad ugu dhex jira siyaasadda iyo hogaanka dalka ayaa intii uu ka maqnaa Muqdisho waxaa la dareemay inay degtay xiisadii siyaasadeed ee madaxda dalka kadib markii uu Ra’iisal wasaare noqday Cumar C/rashiid.

Qaar ka mid ah saaxiibada Faarax Sheekh C/qaadir ayaa laga soo xigtay inuu siyaasadda ka gaabsan doono muddooyinkan danbe, balse lama oga sida arrintaasi uga suurageli karto.

Caasimadaa Online
Xafiiska Muqdisho
Caassimada@live.com