Puntland: “Jawaari waa cadowga PUNTLAND” + Beesha caalamka waxay u hiilisay GALMUDUG

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah soo saartay warsaxaafadeed ay kaga hadashay arrimo badan, ayada oo weerar xooggan ku qaaday dowladda federaalka Somalia, guddoomiye Jawaari iyo beesha caalamka.

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Puntland ayaa maanta si weyn loogu gorfeeyey arrinta gobollada dhexe, waxaana wasiirada Puntland ay Jawaari ugu yeereen inuu yahay “Cadow Puntland”.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in qeybo ka mid ah beesha caalamka ay fowdo ku hayaan Puntland ayna sida hadalka laga dhadhansan karo u hiiliyeen Galmudug.

Warka Puntland ee beesha caalamka ayaa u muuqda mid ku socda Nicholas Kay oo soo dhoweeyey baarlamanka cusub ee Gal-Mududg.

put22put33