FADEEXAD lacageed oo ku soo baxday ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid (Sir soo shaac baxday)

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodii baarlamaanka Fedderaalka Soomaaliya ee ku saabsan xaaladda dhaqaale ee dalka iyo dhibaatooyinka dowladda ka heysta bixin la’aanta mushaarka ciidamada iyo shaqaalah dowladda ayaa maanta lasoo gabagabeeyay iyadoo baarlamaanku isku raacay in miisaaniyadda dowladda uu ka dhex jiro wax is daba marin iyo ku takri fal.

Arrimaha Baarlamaanka ku daba jiray  waxaa ka mid ahaa lacag loo qoondeeyay xildhibaanadii Baarlamaanka KMG ahaa oo Qasnada dowladda laga bixiyay iyo cidda bixisay, taasoo uu ka gaabsaday inuu caddeeyo wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeti ayaa waxaa maanta shaaca ka qaaday guddiga Maaliyadda u qaabilsan Baarlamaanka oo xildhibaanada Baarlamaanka ka hor sheegay in amarka bixinta lacagtaasi uu lahaa Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke).

Guddiga maaliyadda baarlamaanka ayaa baaritaan uu arrintan ku sameeyay ku caddeeyay in amar dhinaca afka uu Ra’iisal wasaaruhu  siiyay Bankiga dhexe culeysna ku saaray in lacagtaas la bixiyo, waxayna tani noqoneysaa fadeexadii maaliyadeed ee ugu horeysay ee lugaha la gasha Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Waxaa lacagtaas loogu talo galay xildhibaanadii hore ee KMG ahaa la sheegay in loo qaatay sahay safar oo madaxda sare u baahatay xilligaasi oo aanay khasnada ku jirin lacag kale.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa doodii arrimaha dhaqaalaha intaas ku soo koobay laakiin waxaa Baarlamaanka looga fadhiyaa inuu soo gole joojiyo Ra’iisal wasaaraha si wax looga weydiiyo arrintan khaladka ku ah maamulka hantida qaranka.

Caasimadaa Online
Xafiiska Muqdisho
Caassimada@live.com