Facebook oo shaacisay in 50 milyan oo qof laga xaday xogtooda (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada Facebook ayaa shaaca ka qaaday in la jabsaday Facebuugyada (50 milyan) oo qof kuwaa oo lagala wareegay gacan ku heynta boggooda.

Maamulka Shirkadda Facebook ayaa sheegay in milkiilayaasha Boggagaasi la gala wareegay xogahooda oo dayacnaa, wallow ay tilmaameen in taasi ay ku timid cillado farsamo oo xagooda ah.

Facebook waxay sheegtay in dadka xogtaa jabsaday ay ka faa’iidaysteen nugaylka qodobka ilaalada ee la yiraahdo “View As” taas oo u sahashay in ay si fudud u helaan xogta dadka.

Dadkaasi ayaa inta badan ka macaasha la wareegida Boggaga aysan laheyn, waxa uuna weerarkooda ka bilowdaa kuna dhamaada Internerka.

Maamulka Facebook ayaa sheegay in dadka adeegsada shabakada ay suurto galka tahay in ay arintaani saamaysay ayaa isla markiiba Jimcihii lagu wargeliyey in ay xiraan bogagooga oo hadana dib u furaan.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dadka laga jabsaday Facebook ay ku jireen mas’uuliyiin kuwaa oo waayay xogahooda.

“Xal ayaan u helnay cilado saacado kooban nasoo foodsaartay milkiilayaasha la dhacay dib ayey u hanteen Boggagooda”

Sidoo kale, madaxa waaxda ilaalada xogta ee shirkadda ayaa sheegay inay ka fiirsan doonaan dayacaada dhacday waxa uuna meesha ka saaray inay soo laaban doonto.

Haddalka maamulka iyo qoraalka lagu baahiyay boobka Boggaga Facebook ayaa kusoo beegmaya xili uu hoos u dhacay sicirka saamiyadeed ee Facebook.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com