Sawirro: Sidee magaalada Boosaaso loogu soo dhaweeyay Qalbi-Dhagax

Bosaso (Caasimada Online)-Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha ONLF ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qalbi-Dhagax, ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland,odayaal dhaqameed iyo dad weyne watay calanka jabhada ONLF.

Qalbi-Dhagax ayaa soo dhaweyn kadib la hadlay boqolaal kamid ah dadka kusoo dhaweeyay magaalada, waxa uuna sheegay in ujeedka Boosaaso u yimid ay tahay sidii uu ula kulmi lahaa dadkii uu tibaaxay in ay ka dhiidhiyeen jariimo uu sheegay in ay kula kaceen madax Soomaali ah.

Cabdikariin Sh Muuse Qalbidhagax ayaa inta uu ku sugan yahay Boosaaso waxa uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowlada iyo qeybha kala duwan ee Bulshada isagoona si gaar ah ula kulmi doona dadka kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida.

Qalbidhagax ayaa horey u sheegay in uu safaro kala duwan ku mari doono magaalooyin badan oo kamid ah dalka ,waxaana safarkan kii ka horeeyay uu ku tagay magaalada Hargaysa halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Qalbi Dhagax oo ah Sarkaal Sare ayaa dhaawaan saameyn weyn yeeshay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay dowladda ayna ku tilmaamtay Urur Argagixiso ONLF.

ONLF ayaa hadda laga saaray Liiska Argagixisadda kadib Isbedelkii ka dhacay dalka Itoobiya ee uu horseedka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed.

Hoggaamiyaha Xibiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaan sheegay in Qalbi Dhagax uu ku Casuumay Hargeysa,Maadaama lagu jirdilay Muqdisho kadib Itoobiya gacanta loo geliyay, waxaana uu maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa Hargeysa.