Aabaha Ruqiya Cabdullaahi oo hadlay: Gabadhiisa ma bixiyey mise? (DAAWO)

Muqdisho (Caasimada Online) – Aabaha dhalay Ruqiya Cabdullaahi Maxamed oo guurkeeda Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar uu sababay in la dilo oo kadibna la gubo Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo) ayaa markii ugu horreysay ka hadlaya arrintan.

Aabe Cabdullaahi Maxamed ayaa shaaca ka qaaday inuusan waxba ka jirin warka ah in gabadhiisa uu bixiyey oo uu siiyey Maxamed Cabdiraxmaan, ayna arrintaas tahay arrin la been abuuray.

Markii la dilay Axmed Dowlo ayaa waxaa soo baxay warar ku saabsan in gabadha aabaheed uu siiyey wiilka guursaday balse ay diidan yihiin reerka hooyadeed, kuwaasi oo fuliyey dilka Axmed Dowlo. Aabe Cabdullaahi ayaa kasoo jeeda beesha Abgaal, halka hooyada dhashay gabadha ee Shariif Axmed ay tahay Murusade.

“Aniga ma bixin wilaayada gabadheeda, la igalama xidididn, guurkeedana sax ma ahan ” ayuu si cad u sheegay Aabe Cabdullaahi.

Aabe Cabdullaahi Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in gabadhisia afduub looga haysto, wuxuuna ka digay waxa loogu yeeray arooska qaran ee dowladda Soomaaliya la sheegay inay ku talo jirto in loo sameeyo lamaanaha Ruqiya Cabdullaahi Maxamed iyo Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar.

Waxa uu ka codsaday dowladda Soomaaliya in gabadhiisa dib loogu soo celiyo gacantiisa.