Daawo: Xasan Daahir oo ka hadlay dilkii Axmed Dowlo iyo waxa ay tahay in laga yeelo dadkii ka dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay dilkii dhowaan magaalada Muqdisho loogu geystay Axmed Dowlo, oo ay dileen reerka gabar uu guursaday wiil uu adeer u yahay oo kasoo jeeda beesha Jareerweyne.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in jinsiga oo la isku takooro ay tahay arrin umadda aysan ka tageyn,oo weligiis socon doona, uuna yahay nooc ka mid ah kufriga.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dhibkii dhacay ee lagu gubay Axmed Dowlo ay ka darneyd wixii ka dambeeyey ee ahaa qaabkii loo maareeyey dhacdadaas, oo uu sheegay inay tahay wax yaab leh in gabar hooyadeed xiran tahay la yiraahdo waxaa loo samaynaa aroos qaran.

Xasan Daahir waxa uu ku baaqay in dadkii falkan geystay ee dilay kadiban gubay Axmed Dowlo, la mariyo waxa ay mudan yihiin laguna qaado shareecada Islaamka, balse waxa uu shaki geliyey in dowladda Soomaaliya ay fulin karto xukun noocan ah.

“Gabdhaha marka ay shahwadu ku dhegto lama karo, mana aragto qof aan ahayn qofka ay jeclaatay, laakiin marka ay shahwadu ka dgeto ayay maskax yeelan doontaa, mana dhaqmi doonto” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Hoos ka daawo Xasan Daahir, oo marka hore ka hadlay Sheekh kale oo ku geeriyoody Dhuusomareeb, kadibna ka hadlaya.