25.4 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Fadeexad: Xildhibaano la siiyay lacag been abuur ah doorashadii Waqooyi Bari

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Kadib doorashadii 30-kii August ka dhacday magaalada Laascaanood, waxaa soo baxaysa in musharaxiintii u tartamay madaxweynaha iyo ku-xigeennada ay qaarkood dollar been abuur ah siiyeen xildhibaannada baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sida lagu yaqaano nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhacda, ayna soo doortaan baarlamaannada, musharaxiinta ayaa kumanaan doollar u qeybiya xildhibaannada, si ay ugu codeeyaan, ama si kala u dhahno “u iibsadaan codadka ay kusoo bixi lahaayeen”.

Haatan, qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa walaac xooggan ka muujiyey sax ahaanshaha lacagihii ay ka qaateen musharixiintii ka qeyb-gashay doorashada hoggaanka maamulka.

Xildhibaannada oo qaarkood u qaadan waayay lacagaha been abuurka ah ee la siiyay ayaa warbaahinta si hoose ugu xaqiijiyay in ay jiraan lacago been abuur ah oo ka soo gaaray qaar kamid ah musharixiintii madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari.

Lacagtan oo xildhibaannada ugu yeeraan “sooryo” ayaa kala bar noqotay lacag faalso ah ama been abuur wadata muuqa doollarka.

“Kalabadh lacagtii sooryada ee aan ka qaatay musharaxa aan codka siiyey waxay noqotay mid been ah oo samays ah,” ayuu yiri mudane ka mid xildhibaannada la siiyay lacagta faalsada ah ee maamulka Waqooyi Bari.

Si kastaba, Xildhibaanada ayaa dhaqan u ah inay codkooda ka iibsadaan murashaxa u tartamaya hoggaanka heer federaal iyo maamul goboleed, halka murashaxa naftiisa kalsoonida uu qabo ay tahay lacagta faraha badan ee xildhibaanada uu siinaayo, balse waxaa mararka qaar dhacda in murashaxiin badan lacag laga qaato codkana aan la siin.

- Advertisement -

Read more

Local News