FADEEXAD ka dhalatay siyaasiyiin qabyaaladeysay sarkaal ka yimid Al-Shabaab

Wisil (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyn xoog leh ayaa ka dhalatay sida loo maareeyey kiiska horjooge sare oo maanta iska soo dhiibay Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur, una dhashay beesha Sacad ee Habargidir.

Dad badan ayaa dhibsaday hanaankii loo soo dhaweeyey sarkaalkaan la sheegay inuu kasoo goostay Al-Shabaab oo wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed M. Fiqi iyo Xildhibaanka beeshiisa Cabdiraxmaan Cagaweyne ay sawirro lasoo galeen.

Sidoo kale waxaa arrinta cirka ku sii shareertay markii qoraallo dadka ka yaabiyey lagu soo qoray baraha bulshada ee Xildhibaan Qaali Cali Shire iyo guddoomiyaha degmada Wardhiigley Seynab Xaabsay oo ku heyb ah ninkaan la sheegay inuu ka soo goostay Khawaarijta.

Fecabook-ga Xildhibaan Qaali Shire ayaa lagu soo qoray “Nuur-deeq kama xuma kuwo boqolaal laayey ee hadana xilal dowladda ka haya, caadi iska dhiga, isaga iyo Allaah ayaa ku xisaabtamaya, dowladuna cafis ayey u fidin doontaa, halkaan xabaa nooga jiray, isagana waan soo xareynay.”

Sidoo kale, Guddoomiye Seynab Xaabsay ayaa barteeda Facebook ku soo qortay “Ma isla soconaa? Waxaa yimid maandheere, soo dhawaaw mudane soo dhawaaw. Inta maangaabka ahna warkooda waa in bartooda loogu tago hadii kale noqda maandheerayaal gacan save ahna soo gala, dalkaan mudo yar kadib waa wada save inshaallah.”

In kastoo ay jiraan warar sheegaya in Xildhibaan Qaali ay ku doodayso in laga jabsaday Facebook-geeda qoraalkaana uusan ka turjumeyn aragtideeda, hadana waxay dadku isku fasirteen oo la yaab ku noqday qoraalada gabdhahaan iyo sawirradii ay maanta horjoogaha lasoo galeen wasiir Fiqi iyo Xildhibaan Cagaweyne.

Dowladu waa cafisay, waana u furantahay xubnaha Shabaab-ka ah inay ka soo haraan fikirka argagixisada, balse horjooge iyo dagaalame qof kasta oo ka soo baxa kooxdaas wuxuu maraa nidaam adag oo dowladu ay ku dhaqan celiso, si dib loogu soo celiyo bulshada, taasi waxay qaadataa ugu yaraan 3-sano.

Maanta, waxaa dadka la yaab la noqotay sida qaar kamid ah masuuliyiinta beesha Sacad ay u soo dhaweeyeen, isugu dhigeen, u karaameeyeen, una amaaneen Horjooge Maalinguur oo ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Al-Shabaab.

Ninkaan waa caan, waayo badan ayuu kasoo tirsanaa madaxda ugu sareysa kooxda, wuxuuna ka howl-geli jiray koonfurta gobolka Mudug iyo bariga gobolka Galgaduud, maanta ayuu iska dhiibay degmada Wisil, waxaana ka hor tegay masuuliyiin abaabulan oo beeshiisa ah, kuwaas oo muujiyey inuu soo galay dhabarkooda.

Horjoogahaan oo watay Gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil.

Wasiirka Arimaha Gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ka soo muuqday goobtii maanta lagu soo bandhigay horjooge Nuur-deeq Maalinguur.

Imaashaha ninkaan ayaa ku soo aaday xili xasaasi ah oo dhiigii ciidamada qaranka uu sii qoyan yahay, dagaalku cuslaaday, dadkuna ay aad u dhibsanayaan sii jiritaanka Al-Shabaab, waxayna maanta dad badan ka xumaadeen sida loo maamuusay ninkaan oo la aaminsan yahay inuu lug ku lahaa qorshayaashii ay Al-Shabaab ku dhagreen ciidmada qaranka.