ATMIS oo war kasoo saartay howlgalkeeda iyo tirada ciidan ee ay la baxayso September

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada ATMIS Jeneraal Sam Okiding oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey guulaha ciidamada ATMIS ay gaareen, taageerada ay siiyaan ciidamada qaranka Soomaaliya iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socda.

Sidoo kale Jeneraal Okiding ayaa sheegay 3,000 oo askari oo howlgalka ATMIS ka tirsan ilaa dhamaadka bisha September ee sanadkaan ay dalka ka baxayaan, sida uu dhigayo heshiiska ATMIS iyo Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada aya sheegay in ay ATMIS sii wadi doonto la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS iyo saaxiibada kale, si buu yiri ‘loo xaqiijiyo in si habsami leh loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya mas’uuliyadda amniga Qaranka.’

Sidoo kale sarkaalkaan ugu sareeya ciidamada ATMIS wuxuu balan qaaday in howlgalkiisu uu la imaa doono qorshe lagu soo kabayo dib u dacyadii amni oo yimid howlgalka ATMIS.

Ugu dambeyntii Jeneraal Sam Okiding wuxuu sheegay inay ka go’antahay dhaqan gelinta heshiiska dhamaan ciidamada ATMIS looga saarayo Soomaaliya dhamaadka bisha Disembar 2024-ka.

Ciidamada ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM ayaa ka howlgala gobollada koonfurta Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, inta badana lama dagaalamaan Al-Shabaab.

Ciidankaan ayaa badanaa ku jira xeryo u gaar ah, waxayna kor ka ilaaliyaan magaalooyin dhowr ah iyo xarumo muhiim ah, sida garoomada diyaaradaha, saldhigyo iyo goobo kale oo muhiim ah.

Ciidamada ATMIS furimaha dagaalka uma raacaan ciidanka qaranka, waxaana inta badan la dejiyaan magaalooyinka markii laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

Hadda Soomaaliya waxaa ka socda dagaal culus oo ciidamada qaranka ay kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaan inay dhaqan geliso heshiiskaan dhigaya in ciidamada ATMIS laga saaro dalka markii la gaaro dhamaadka sanadka soo socda.