FADEEXAD kusoo baxday wasiirkii UK ee u ololeynayey madax-banaanida Somaliland

London (Caasimada Online) – Sir Gavin Williamson oo ka tirsanaa golaha wasiiradda ee dalka UK ayaa xilkaas iska casilay kadib markii lagu eedeeyay handadaad.

 Xildhibaankan oo u ololeeya in Britain ay dal u aqoonsato jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay inuu xilka uga digay si uu u caddeeyo in aanu wax dembi ah gelin.

“Sidaad ogtahay, waxaa socda cabashooyinka ku saabsan fariimaha qoraalka ah ee aan u diray saaxib aan shaqa wadaaga nahay. Waan u hogaansamayaa hanaankan, waxaanan ka raali galiyay qofka aan fariimahaas u diray,” ayuu ku yiri qoraalkiisa iscasilaada.

Sir Gavin ayaa beeniyay eedeymaha kale ee ah in uu handaday qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka, balse waxa uu sheegay in eedeymahani ay caqabad ku yihiin.

“Tan iyo markaas, waxaa jiray eedeymo kale oo ku saabsan hab-dhaqankeygii hore. Waxaan beeninayaa sifada sheegashadaas, laakiin waxaan garowsanahay in eedeymahani yihiin kuwo carqalad ku ah shaqada wanaagsan ee ay dowladdani qabato,” ayuu intaa ku daray.

Xildhibaan Gavin ayaa ka mid ahaa xubnihii taageeray tartankii uu Mr Sunak ku noqday rai’sul wasaaraha.

Rai’sul wasaaraha UK ayaa aqbalay iscasilaadiisa isaga oo ka murugeysan , waxaa uuna uga mahadceliyay taageerada iyo daacadnimadii uu u muujiyay.

Miisaanka Siyaasadeed ee Gavi

Gavin waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Conservative ee haya talada dalkaasi UK, wuxuuna ahaa madixii ololaha hoggaaminta ee ra’iisul wasaare Boris Johnson sanadkii 2019-kii.

Gavin ayaa xiligaasi ka hor ahaa xoghayaha gaashaandhiga UK xilligii ra’iisul wasaare Therasa May, hase yeeshee xilka laga qaaday.

Gavin ayaa markii uu Boris xilka qabtay loo magacaabay xoghaya waxbarashada, taas oo markii dambe laga qaaday, sababahana qeybta dambe ayaan ku faahfaahin doonnaa.

Waa xildhibaan laga soo doorto deegaanka South Staffordshire tan iyo sanadkii 2010-kii, isaga oo sidoo kale noqday duqa xisbiga ee baarlamaanka UK.

Dhowaan waxaa wargeysyada UK kuso baxay warar sheegaya in Gavin la siin doono abaalmarinta loo yaqaano Nighthood, taas oo uu ka heli doono ra’iisul wasaare Boris Johnson sida uu qorey wargeyska Daily Express ee UK kasoo baxay, waxayna ka dhigantahay ayaa la leeyahay meeqaamka uu ka taaganyahay dhanka ra’iisul wasaaraha iyo sida ay isugu dhowyihiin.

Balse qeybo kale oo warbaahinta ka tirsan ayaa qoraya in Gavin uu xog badan ka hayo Boris oo maalmahan culeesyo siyaasadeed haystaan, sidaasi darteedna abaalmarintan lagu aamusiinayo isaga.

Muranadii uu wajahay Gavin

ra’iisul wasaarihii hore ee UK Therasa May ayaa xilka ka qaadday Gavin sanadkii 2019-kii kadib markii ay ku eedeysay in uu saxaafadda u dusiyay waxyaabo looga hadlay shirka amniga qaranka UK.

Gavin kolkaa waxa uu ahaa xoghaya gaashaandhiga UK, waxaana lagu eedeeyay in uu fakiyay sir , taas oo ku saabsan in barnaamijka 5G ee isgaarsiinta UK ay ku lug leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Huwawei.

Hase yeeshee sida uu faafiyay wargeyska Guardian ee UK, Gavin ayaa beeniyay in uu faafiyay xogta golaha amniga qaranka ay ku wada hadleen, wuxuuna sheegay in la saaray ‘maxkamad aan caddaalad ahayn’, uuna dhibbane u noqday arrimo siyaasadeed.

Caqabadaha siyaasadda Gavin halkaas kuma aysan ekaan, bishii september ee 2021-dii ayaa laga xayuubiyay xilkii xoghayaha waxbarashada UK kadib markii uu qirtay in ay qalalaad ku jireen barnaamij imtixaanaadka iskuulaadka lagu saxanayo nidaam kumbuyuutar ah, sida uu qorey wargeyska Express and Star.

Gavin Williamson ayaa isaga oo ah xoghayaha gaashaandhiga UK waxa uu booqasho ku tagay Soomaaliya, isaga oo xerada Xalane kula kulmay qaar ka mid ah ciidamada UK ee Soomaaliya.

Gavin ayaanan gudaha u galin magaalada, isaga oo isla maalinkiiba u duulay Hargeysa, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

War saxaafadeed kasoo baxay xilligaas ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley xoghayaha gaashaan dhigga ee dalka Ingiriisa, Mudane Gavin Williamson, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland”.War saxaafadeed ayaa sidoo kale lagu yiri „ .

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyada oo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Somaliland”.

Isha: BBC Somali