Cali Yare oo soo jeediyey in la qabiileeyo amniga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay la tahay in lagu sugi karo amniga magaalada Muqdisho.

Cali Yare ayaa sheegay in amni darrada Muqdisho uu saldhig u yahay isla xisaabtan la’aanta jirta, maadaama aysan jirin cid si gaar ah masuul uga ah amniga caasimadda.

Wuxuu tusaale u soo qaatay erayga ah hey’adaha amniga, kaas oo muujinaya masuuliyad wadareed uu sheegay in amniga gobolka Banaadir ay beylah ka dhigtay.

“Sida kaliya ee Xamar nabad loogu heli karo waa in amniga gobolka Banaadir uu helo cid leh masuuliyadiisa oo hadey sugto lagu abaal mariyo, hadii ay ku guul dareysatana lagu ciqaabo,” ayuu yiri Cali Yare.

Wuxuu soo jeediyey in guddoomiyaha gobolka Banaadir la hoos geeyo amniga Muqdisho, si loo helo isla xisaabtan, waxana looga bedelo amniga Muqdisho ee masuuliyad wadareedka noqday.

“Aniga waxaan ku magacaabanahay guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, hadana booliska, nabad sugidda iyo hey’adaha kale ee amniga cid iga amar qaadata ma jirto, hadii aan shaqo u dirsaneyno waan soo barinaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in iyadoo uusan jirin ciidan ka amar qaata ay hadana dadku ku dhahayaan waakan ninka amigeena dayacay, “Marka magaaladaan waa in qabiilka dega ay sugtaan amnigeeda,” ayuu yiri.

Cali Yare ayaa tusaale u soo qaatay magaalooyinka kale ee Soomaalida, sida Hargeysa, Garowe iyo Baydhaba oo qabaa’ilka dega ay amniga sugtaan.

“Xamar waa in qabiilka iska leh uu waardiyeysto, sababtoo ah khasaaruhu qabaa’il isku si uguma dhacayo, tan kale amniga magaaladaan waa in la hoos geeyo gobolka Banaadir, hadda taliyaha booliska ee gobolkaan wuxuu hoos tagaa taliyaha guud ee booliska dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Yare.

Hoos ka daawo