FADEEXAD: Maamulka gobolka Banaadir oo ku billaabay xaraash gaadiid dhawaan loogu deeqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Maamulka Banaadir ayaa sheegaya in Maamulka Gobolka uu iibinaayo gaadiidkii dhawaan loogu talo galay in loo qeybiyo Degmooyinka Gobolka, oo maamulka deeq ahaan loo siiyey..

Wararku waxa ay sheegayaan in gaadiidkaasi loogu talo galay in xiliyada banana-baxyada lagu daad gureeyo ardayda iyo haweenka Qaranka waxaana iminka la tilmaamayaa in maamulka uu xaraashaayo gaadiidkaasi oo ay ka ooman yihiin Degmooyinka Gobolka.

Gaadiidka uu Maamulka xaraashaayo ayaa waxaa bixiyay Dowlada Turkiga iyo Hay’adaha hoostaga ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka ayaa ka kooban 17 gaari oo nooca qashinka lagu qaado, 8 Caasi iyo 9 Kooster, waxaana iminka laga iibinayaa Hay’adaha iyo Ururada madaxa-banaan ee ka shaqeeya Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Gaadiidkaani uu Maamulka xaraashaayo, ayaa waxaa Afar bil ka hor loo qeybiyay Degmooyinka hayeeshee amar kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka ayaa dib looga soo celshay degmooyinka.

Arrintaani ayaa waxa ay daba soctaa lunsasho ba’an oo lagu hayo hantida Qaranka oo sida xisaabtan la’aanta ah ay u adeegsanayaan Xubnaha sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, halka Magaalada Muqdisho ay dib usii lumineyso bilicdii uu uga tagay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Tarsan.

Madaxweyne Xassan ayaa dhowr jeer ku gacan seeray inuu xilka ka qaado Gudoomiyaha Gobolka oo laga gudbiyay dacwado kala duwan oo salka ku heysa ku tagrifalka Hantida Qaranka, hayeeshee waxa ay tani muujineysaa inuusan jirin isla xisaabtan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com