MA RABNO: Turkey oo la filayo inay safiirnimada Sambaloshe diidaan (CC & Xasan oo walaacsan)

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa laga cabsi qabaa inay diido safiirnimada Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo dhowaan madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabay inuu noqdo safiirka Soomaaliya ee dalkaas.

Xubno ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Ankara ayaa Caasimada Online u sheegay inuu jiro walaac sii kordhaya oo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ka qabaan in Sambaloolshe ay aqbali weyso dowladda Turkiga, marka la eego astmaaaha muuqda.

“Dowladda Turkiga weli uma aysan soo jawaabin dowladda Soomaaliya, waxayna qaadatay waqti ka dheer kan caadiyan ay ku aqbasho safiirada, waana taas sababta walaaca abuurtay” ayuu yiri qof ka mid ah safaaradda Soomaalida ee Ankara.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dowladda Turkiga ay madaxda dowladda Soomaalida ah weydiisay su’aalo u muuqda diidmo maldahan, sida inay heli karaan musharaxiin kale oo xilkan qabta, inkasta oo aysan si rasmi ama qoraal ah ugu bandhigin oo ay ahayd kaliya mid hadal ah.

Dowladda Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda si rasmi ah u shaacin xilka loo magacaabay Sambaloolshe, waxayna isku dayeysaa in marka hore ay xaqiijin ka hesho xukuumadda Ankara, taasi oo ah astaan kale oo muujineysa walaaca xukuumadda Soomaaliya.

“Dowladda waxay diideysaa in mar kale ay ku ceebowdo arrinta Sambaloolshe si la mid ah markii loo magacaabay safaaradda UK, oo boqortooyada dalkaas ay soo diiday, marka arrinta weli si rasmi ah uma shaacin” ayuu yiri qof ku sugan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online.

Sambaloolshe oo horey looga qaaday xilka agaasimaha nabad-sugidda qaranka, islamarkaana baarlamanku ay diideen inuu wasiir ku noqdo xukuumadda hadda jirta, ayaa waxa uu saaxib dhow la yahay Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid, oo isku dayaya inay xil un u helaan, hase yeeshee nasiib darro, waa laga diidan yahay meel walba.

Caasimada online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@Live.com