Fadeexad soo food-saartay USA kadib Document sir ah oo la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu daabacay Wargeyska Sunday Times, ayaa waxaa lagu fashiliyay xiriir hoosaad ka dhexeeya dowlada Mareykanka iyo Shirkad lagu magacaabo PR, oo laga leeyahay dalka Britain.

Shirkadaani PR, ayuu Wargeysku sheegay in sanadii 2003dii ay qandaraas la gashay dowlada Mareykanka si dareen xun xun looga faafiyo dagaalada ka socda Ciraaqa.

Shirkadaani ayaa tan iyo xiligaasi sameyneysay muuqaalo aan sax ahayn oo laga baahinayay Al-Qaacidda iyo Daacishta sanadahn cusub dalkaasi ka abuurantay.

Agaasimaha shirkadaani oo lagu magacaabo Bell Pottinger, ayaa qandaraaskaasi la galay dowlada Mareykanka waxa uuna Heshiisku ahaa mid dhigaaya in la baahiyo Aflaam ka turjumeysa xumaha Al-qacida iyo Daacishta cusub.

Mr Bell Pottinger oo ah Agaasimaha ayaa waxa uu ka howlgalaa dhismo ama xarun ay shirkadu ku leedahay Magaalada London ee dalka Britain, waxa uuna inta badan ku noolyahay nolol cabsi leh.

Bell Pottinger waxa ay shirkadiisu sameysaa filimaan ama muuqaalo aad u gaagaaban oo bahdilaad ah isla markaana ay ka muuqato xaasidnimo iyo gobood fallo ka dhan ah bani’aadamka.

Waxyaabaha ay shirkadaasi baahiso ayaa waxaa kamid ah Al-qacida iyo Daacish oo gowracaaya dad muslim ah iyo dhaqano kale oo aad u fool-xun oo been abuur ah oo muujinaya dagaallada daacish ee Ciraaq.

Sunday Times waxa ay sidoo kale qortay in Heshiiska Dowlada Mareykanka iyo Bell Pottinger uu dhigaayo in Filimaantaasi muuqaalkooda koowaad lagu qoro qoraalo ah in Shirkadu sameyso Muuqaalada dagaalka Ciraaq oo uu leeyahay Usama Bin Laadin magaciisana ku soo saari jirtay.

Muuqaalada laga sameeyo dagaaladaasi ayuu Wargeysku sheegay inay isticmaali jireen Tv-yada iyo Idaacadaha ka howlgala dalka Ciraaq oo u qaadan jiray sida Aflaam xaqiiqa ah.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in muuqaalada been abuurka ah ee shirkadaasi lagu sameeyo gudaha Saldhig weyn Millitariga Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq.

Muuqaalada iyo Aflaamta been abuurka ah oo ay sameyso shirkadaasi ayaa waxaa inta aan la baahin isla daawada Saraakiil ka tirsan Milliteriga Mareykanka iyo kuwa CIA.

Agaasimihii hore ee hay’adda dambi barista Mareykanka ee CIA Gen David Petraeus, ayaa la sheegay inuu u sabab yahay in shirkadaasi ay la shaqeyso dowlada Mareykanka.

Waxaa xiliyada qaar suuragal ahaan jirtay in shirkada ay sameyso warbixino lagu dhalan-rogaayo maskaxda shucuubta carabta taasi oo lagu daabici jiray luqadaha kala ah (Inglishka, Carabiga, Faransiiska iyo Luqado kale), waxaa ay u qeybin jireen Warbaahinta Carabta, sida TV-yada, Idaacadaha iyo Wargeysyada.

Mudooyinka u dhexeeyay (2007-2011), waxaa Agaasimaha shirkada Mr Bell Pottinger la siiyay adduun lacageed dhan $540 Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Mareykanka waxa uu sidoo kale bixiyay dhaqaale dhan $120 Milyan oo ay shirkadu isticmaaleyso ilaa sanadkaani aan ku jirno ee 2016-ka.

Dhinaca kale, waxaa warbixinta lagu sheegay in Hay’adda Bureau of Investigative Journalism ( BIJ), ay fuliso olole warbaahineed oo miisaan leh isla markaana uu qaaday Mareykanka,waxaana Sanad waliba kaga bixi jirtay $100 Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com