25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo ka digay qataro culus

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Cadde Xasan Gaabow ayaa maadaama dalku galay xilli kala guur ah iyo doorashooyin lala gabi-dhaclaynaayo ka digay inuu dalku galo xaalado aan dalka laga badbaadin karin, jiilasha danbena qatar ku ah.

Wuxuu si aad uga dayriyay dawladda hadda waqtigeeda dhamaaday inay culaysyadii ay hore u abuurtay oo ahaa (is nacayb bulsho, maamul-xumo, musuqmaasuq) inay ololaha siyaasadeed ay ku jirto dalka gacanta u galiso shisheeye dano guracan ka leh gayiga Soomaaliyeed.

Gudoomiye Cadde wuxuu intaa ku daray in musharixiinta u taagan xilalka Xildhibaanimo iyo kuwa Madaxwaynenimo ay maanka ku hayaan inuu dalku joogo xilligii la samato-bixin lahaa oo aanan lagu fiirsanin dayacaadda soo gaamurtay oo muumulkii u danbeeyay uu ku sifoobay.

Ugu danbayn, Gudoomiye Cadde wuxuu la dardaarmay shacabka Soomaaliyeed inay meesha ka kacaan oo aysan madaxdooda (wakiiladooda) aysan jeeg cad siinin balse ay la-xisaabtan iyo talooyin joogta ku biiriyaan hogaanka ay u wakiishaan mas’uuliyaadka qaran, gobol, degmo iyo tuulaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News