Qaraxyo dhowr ah & Rasaas xoogan oo caawa laga maqlaayo magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Qaraxyo aad u xoogan ayaa waxaa Caawa laga maqlayaa qeybo kamid ah magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Qaraxyada oo dhowr ah ayaa waxaa la sheegay in lagu weeraray xarumo kala duwan oo uu maamulka leeyahay waxaana kamid ahaa goobaha la weeraray Xarunta Maamulka Degmada iyo Labo Saldhig oo Ciidamada Jubbaland ay degen yihiin.

Qaraxyada ayaa intooda badan ka dhacaayay xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ku badan yihiin dhaqdhaqaaqyada Mas’uuliyiinta maamulka iyo ciidamada.

Ciidamada amaanka ayaa Qaraxyada kadib ooda ka qaaday rasaas farabadan oo magaalada ifisay, waxa ayna iminka xaafadaasi iyo Xaafado kale kawadaa howlgalo adag.

Weli lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyada waxaana caawa kala xiran guud ahaan magaalada oo ciidamo lagu soo daadiyay.

Dhinaca kale, Qaraxyada ayaa kusoo beegmaaya xili ciidamada NISA ee magaalada Kismaayo saakay lagu qaaday weerar Bambaano.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com