Sawirro: Jowhar oo lagu soo bandhigay Magaca maamulka cusub & Midabka Calanka

Jowhar (Caasimada Online)-Ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta isku raacay in Caasimada maamulka cusub ay noqon doonto magaalada Jowhar ee xarunta Sh/Dhexe.

Ergada ayaa sidoo kale goordhow isku raacay magaca uu yeelanayo maamulkan iyo astaanta calanka.

Ergada ayaa isku raacday in magaca Maamulkani cusub loo bixiyay Hir-shabeele.

Magac bixinta kadib waxa ay Ergadu isla fahmeen calanka uu yeelan doono maamulka oo midibkiisu yahay qeyb calanka buluuga ee dhexda xidigta ku leh, doog cagaaran oo wehliya geed iyo wabiga.

Maalinta khamiista ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loo ansixiyo dastuurka maamulka cusub uu yeelan doono.
jowhar