Arrag sawir aad kaaga qoslin doona oo laga sameeyay Xassan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa laga sameeyay Sawir gacmeed lagu cabiraayo heerka uu ka gaarsiisan yahay dib usoo laabashadiisa.

Sawir gacmeedkaani qosolka badan ayaa waxaa lagu cabiray Xassan Sheekh oo dul fadhiya Xafiiskiisa isla markaana wareysi siinaaya Weriye aan la cayimin.

Xassan Sheekh oo wax laga weydiiyay dhalinyarta Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyada dalka India, ayaa waxa uu ku jawaabay inuu yahay Musharax lacag farabadan heysta oo doonaaya in mar kale uu qabto xilka.

Sawirkaani waxaa sidoo kale lagu cabiray in Xassan Sheekh uu kala garan la’ yahay su’aasha la weydiiyay maadaama uu ka weecday jawaabtii laga rabay.

Xassan Sheekh waxa uu ku jahwareersan yahay ololihiisa, waxa ayna taasi sabab u noqotay inuu isku dhex qaldo su’aasha iyo jawaabta, sida ku cad Sawir gacmeedka.
xabsiga