Ergo hor leh oo goordhow isaga baxday shirka ka socda magaalada Jowhar

Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa goordhow shirka ka socda magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe ka baxay gabi ahaan Ergadii ka soo jeeday degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Ergada ayaa la sheegay in shirka ay uga baxeen carro ay ka qaaden go’aankii ay Ergooyinka isku raacday in laga dhigo caasimada maamul goboleedka gobolada Sh/dhexe iyo Hiraan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Xubnaha kasoo jeeda Degmada Buuloburde, ayaa sheegay inaanu garaneynin sababta ay u fadhiyaan Hoolka shirka waxa ayna tilmaameen in caasimada maamulka labada gobol uu Madaxweynaha dalka horay uga soo saaray wareegto sheegeysa in caasimada labada gobol ay tahay degmada Buuloburte.

Ergada ayaa sheegtay in lagu qiyaamay shirka waxa ayna carab dhabeen in Buuloburde aysan ka amar qaadan doonin maamulka lagu dhisaayo magaalada Jowhar.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Somalia Cabdraxmaan Xuseen Odowaa, ayaa goor sii horeysay magaalada Buuloburte ka dhagax dhigay Madaxtooyada uu yeelanayo maamulka labada gobol.

Dowlada Somalia wali kama aysan hadal ka bixitaanka shirka ay ka baxeen Beelaha kasoo jeeda Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com