Fadeexad weyn oo dul hoganeysa DF Soomaaliya kadib markii ay Muqdisho…

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa markale dib u furmay buuqa dhulalka danta guud.

Inkasta oo tan iyo 2004-tii ay soo jireen kiisaska dhulalka dowladda ee shacabka ay dageen burburkii kadib, haddana dhinaca kale waxaan la inkiri karin inay marwalba ku lamaanayeen dad ganacsato ah oo hantida ay caasimadda ka sameeyeen ku burburinaya isla danyartii deganeyd magaalada Muqdisho.

Masuuliyadda ka muuqata madaxda xilalka haysa ee la xiriirta badbaadada iyo deegameynta danyarta ayaa sidoo kale aad u liidata.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh mowduuca dhulalka aad ayuu u xoogganaa marka lala barbar dhigo maamulladii ka horeeyay ama ka dambeeyay, haatan oo uu markale madaxweyne Xasan Sheekh fadhiyo xafiiska arrimaha isqab-qabsiga dib ayay u heleen suuq weyn.

Haddii dunida koowaad tujaarta xoolo badan laga qaado si danyarta kor loogu soo qaado, si danyarta kor loogu soo qaado oo loo abuuro umad is-dheelitiri karta. Soomaaliya waa caksigeeda oo tujaarta ayey dowladduhu ku garab siiyaan inay danyarta baabi’iyaan.

Dhulalka maalmahan murankooda taagan yahay waxaa kamid ah dhulka howlaha guud ee u dhow Saybiyaano, dhulka dab-damiska iyo kuwo kale. Dhulalkaan qaar waxaa dadka degan lacag dul dhigay dad ganacsato ah oo cilaaqad la leh dowladda.

Inkasta oo dhulka dab-damiska la sheegayo inay ciidanka Booliska rabaan inay ku shaqeeyaan, haddana marka la eego illaa shan dhul oo kiisaskooda ay furan yihiin iyo kuwo lagu kala baxay, waxaa taliska madaxweyne Xasan Sheekh lagu eedeynayaa inuu aad ugu dhago nugul yahay damaca ganacsatada dhiig-miiratada ah ee tirtiraysa danyarta xilli aanay dowladda waxba ku celin danta guud iyo danyarta Soomaaliyeed.

Dowladda dhulkeeda waa leedahay, laakiin qof walba oo loo doorto xukunka Villa Somalia looma dirin keliya inuu dhul ilaaliyo ama iibiyo, ee waxaa ka horeysa inuu dadka ilaaliyo oo nololna u sameeyo.

Shacabka Muqdisho degan wax walba oo ay dowladda xaq ugu lahaayeen ma haystaan maanta, sida; amni, caafimaad, waxbarasho, shaqo iyo cadaalad, sidaas oo ay tahay weli waxaa umadaasi laga qaada canshuur qaarkeed ay dad shaqsiyaad ah jeebka ku shubtaan.

Mida kale ee dhowr jeer dowladda loogu baaqay welina aanay aqbalin waa in iibka dhulalka dariiq sharci ah loo soo maro sida; dhiismahan guddiga iibka Qaranka ama in la sameeyo dad Soomaaliyeed oo kalsooni bulsho haysta oo xukuumadda soo magacowdo oo baarlamaanka soo ansixiyo oo howsha dhulalka ka shaqeeya, kuwaasi oo si aan mugdi aheyn u iibiya wixii dhul ah oo ay dowladda sheegto inay ka maarantay iyada oo lacagaha lagu shubayo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Majirto ceeb ka weyn in lacagta dhulka danta guud ay ku dhacdo jeebabka shaqsiyaad gaar ah. Tani waa musuq iyo ku tumashada sumcadii dowladda.

Dowladda shaqooyinka loo diray waxaa ugu muhiimsan ilaalinta iyo nolol u sameynta dadka Soomaaliyeed. Haddii dadka dhulalka dowladda miciin-biday ay yihiin dad danyar ah oo maanta kiro iska bixin karin, dowladda waxaa laga rabaa inay keento qorshe aan aheyn in dadka la xaaqo.

Qof aad canshuur ka qaadid oo aanad waddo u dhisin, caafimaad siin karin, waxbarasho u haynin, amni siin karin oo maalin walba dil iyo qarax la kulma oo aad shaqo u weysay, haddana inaad tiraahdid darbi ay dowladda lixdan sanno kahor calaamadeysatay iga guur micnaheedu waa in aanay dadka wax qiimo ah kugu fadhin oo darbigu kaga muhiimsan yahay, taasi oo aad uga fog wax-galnimadii laga filaayay madaxda dalka.

Si ay dowladda u abuurto bulsho dheeli-tiran waa inay ka fiirsataa mowduucyada ay tujaarta ku burburineyso bulshada saboolka ah.

Si kastaba, Haddii aan laga fursaneyn in la iibiyo dhulka dowladda ha loo maro dariiq sharci ah, lacagtuna ha ku dhacdo Bangiga Dhexe ee dowladda, oo yaan danyarta loo barakicin damaca tujaarta iyo dano shaqsi ah.