Xog: Itoobiya oo damaceeda badda u weecineysa dal kale iyo Erdogan oo u hanjabay Abiy

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayey Caasimada Online ka heshay kulankii dhowr habeen ka hor uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed. Kulankaas oo ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ayaa madaxweynuhu xaaladda dalka uga warbixiyey culimada.

Madaxweyne Xasan ayaa culimada si faahfaahsan uga warsiiyey halka ay mareyso xiisadda badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo soo bilaabatay, cirkana isku shareertay maalmihii uu bilowga ahaa sanadkaan 2024-ka.

Xasan Sheekh ayaa culimada u sheegay in Abiy Axmed uu hadda ka soo dabcay damaciisii waalaa ee badda Soomaaliya kaga jiray, kadib markii dowladda Turkiga ay si toos ah u soo farogelisay arrinta.

Madaxweynaha Turkiga ayaa toos ula xiriiray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isagoo ugu hanjabay in hadii uu yimaado badda iyo beriga, guud ahaan dhulka Soomaaliyeed uu la kulmi doono cawaaqib daran, sida uu Xasan Sheekh la wadaagay culimada.

Erdogan ayaa Abiy ku war-geliyey in hadii uu soo aadayo dhulka Soomaaliya uu ku soo talagalo dagaal uu la galo Turkiga, kaas oo Madaxweyne Erdogan uu ku hanjabay in Itoobiyaanka uu ku gaarsii doono xaalad ay ka soo kabsa waayaan.

Xogtaan ayuu culimada la wadaagay madaxweynuhu, isagoo intaas u raaciyey in Abiy Axmed uu hadda kasoo dabcay damaciisii badda Soomaaliya, islamarkaana uu qorsheynayo in dhanka Kenya uu u weecdo.

Xeebta magaalada Laamu oo kulaasha xuduuda badeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ah biyaha Kenya ayaa la sheegay in Abiy Axmed uu hadda damaacinayo in Itoobiya ay deked ka hesho.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa jirtay xog sheegeysa in Abiy Axmed uu doonayo inuu tago magaalada Hargeysa ee Somaliland, si uu ula kulmo madaxweyne Muuse Biixi oo 1-dii bishii hore u saxiixay heshiiska qariban ee go’doonka siyaasadeed geliyey Itoobiya.

Kulanka Abiy iyo Biixi oo weli aan suurta-gelin, hadii uu dhaco waxaa loo maleynayaa inay kaga tasha doonaan culeyska aan la dhaafi karin ee damaca badda ee Itoobiya ka dhashay, kaas oo ka soo wajahay dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa inta badan dalalka caalamka.