Maxaa COSOBLE ka raacay amaan uu kala dul dhacay hoggaaminta Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa si weyn ugu amaanay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wax qabad uu sheegay in ay ka xun yihiin kuwa mucaaradka ku ah.

Cosoble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u dhignaa sidan; “Madaxweyne umadda ayaa markhaati ka ah waxa aad qabatay, waddo sax ah ayaadna ku taagan tahay. Kuwa ku mucaaradaya wexey ka xun yihiin kartidaada, guulaha is daba jooga ah ee aad soo hoyeyso, sida aad daacadda ugu tahay dalkaaga iyo dadkaaga iyo sida ay dowladaha caalamka kuugu soo istaagayaan.”

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay dadka kasoo horjeeda hanaanka hoggaamineed ee Xasan kuwo aan Soomaaliya wax dan ah u hayn oo rabta in aan hore loo socon, sida uu hadalka u dhigay.

“Cidaan qirsaneyn wax qabadkaaga iyo guulaha is daba jooga ah ee aad dalka u soo hoyday isla markaana aan ku laheyn madaxweyne hore u soco, waa cid aan Soomaaliya wax dan ah u heyn oo rabta inaan hore loo socon. La yaab ma laha oo siyaasaddii ayaa dhaaftay heerkey yaqaaneen.”

Amaanta uu madaxweynihii hore ee HirShabelle kala dul dhigay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn loogu weeraray qeybta faallada ee qoraalkiisa, ayada oo dadka qaarkood ay shaki ka muujiyeen in uu balan siyaasadeed ka haysto madaxweyne Xasan Sheekh, halka kuwa kale ay la qabaan inta uu sheegay Cosoble.

Haddaba maxaa laga yiri qoraalka Cosoble?

Shuceyb Shidane: “Duqa sidaana waa qoraa markuu doono, tollow ma boos ayaa laga balan-qaaday.”

Cabdiraxman Cabdulahi: “Shaxaadkii iyo gacan haatintiina kaa idlaatay wakhtiguna waa isgurayaa laba sano oo wareer miiran ah ayaa u hadhay waxna kama soo socdaan Allow na astur.”

“Cali Cosoble ma waxaad horumar u taqaan dastuurka Soomaaliya hawiye madaxwaynaha ha ka noqdo daroodana madaxwayne ku-xigeen,” ayuu yiri Maxamuud Jaamac Yuusuf.

Cabdi Maxamed Faarax: “Waxaan marqaati ma doonto ah in madaxweynuhu guullo badan gaaray umadana ay marqati ka tahay, kuwa mucaaradayana hadii la waydiiyo aysan sheegi karin waxay ku diidan yihin ama ka qaldan shaqada uu hogaaminayo madaxweynuhu waxaanse hubaa in qaarkood hadhow ay dhahayaan howl fiican ayaa la qabtay.”

Sacdiya Ibraahim ayaa sidoo kale waxay tiri “Adeer leef-leefka jooji Xasan anagaba waa naqaane inta uu saxay inta uu qalday baa ka badan. Rakaab xumo baana haysato ogow.”

Cabdi Cumar: “Sidaas haddad u ammaantid iyo haddaad caydiid intaba Xasan waa la yaqaan wuxuu haleeyo mooyee wax uu hagaajiyey haddii aad sheegto adigu waan ku rumaynaynaa.”

“Masha Allah madaxweyne Dr. Hassan Sheikh Dalxureeye waxu noqday shumac Soomaali usoo ifay,” ayuu yiri Cabdinaasir Garweyne Cali.