26.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Fagaare ku yaalla Baydhaba oo maanta lagu toogtay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Axmed Cabdullaahi Maxamuud ayaa maanta lagu fuliyay xukun toogasho ah fagaare ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, kaddib markii uu horay u dilay Abshir Xasan Cabdiraxmaan, oo ahaa wiil dhallinyaro ah.

Fulinta xukunka ayaa timid kaddib markii Maxkamadda Gobolka Baay ay ku riday xukun qisaas ah. Goobta lagu fuliyay xukunka ayaa ahayd meel fagaare ah oo si weyn loo ilaalinayay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka, maamulka degmada Baydhabo iyo dadweyne aad u fara badan.

Ehellada marxuumka la dilay ee Abshir Xasan Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa toogashada, iyaga oo muujiyay sida ay ugu qanacsan yihiin xukunka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in tani tahay tusaale caddaalad ah oo la tijaabinayo.

Xukunka lagu fuliyay Axmed Cabdullaahi Maxamuud ayaa yimid kaddib markii la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Baay, taasoo si buuxda u dhageysatay kiiska eedeysanaha. Maxkamaddu waxay sheegtay in uu dhacay dil ula kac ah, sidaas darteedna lagu xukumay qisaas toogasho ah.

Dilkii Abshir Xasan Cabdiraxmaan ayaa ka dhacay xafiis uu ka shaqeynayay gudaha magaalada Baydhabo, halkaas oo la sheegay in Axmed Cabdullaahi uu si toos ah ugu dilay marxuumka sababo aan si faah-faahsan loo shaacin.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa marar badan sheegay in ay la dagaallamayaan falalka dilalka ah iyo dambiyada culus, isla markaana cid kasta oo lagu helo dambiyo noocan oo kale ah lagu qaadi doono tallaabo sharci ah oo deg-deg ah.

Baydhabo ayaa dhowr jeer horay loogu fuliyay xukuno dil ah oo maxkamaddu ridday, kuwaasoo badankood ah qisaas la xiriira dad lagu helay dilal ula kac ah. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo caddaaladda iyo xasilloonida magaalada.

- Advertisement -

Read more

Local News