Fahad oo farriin duur-xul siyaasadeed ah u diray Xamza

Doha (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Arbacadii soo saaray qormo dheer oo ugu magac daray “Saboolnimo siyaasadeed” ayaa sidoo kale uu farriin duur-xul siyaasadeed ah ugu diray ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Barre.

Fahad ayaa waxa uu sheegay in ra’iisul wasaare Xamza uu dantiisa ka hormariyay midda madaxweynaha, taasi oo uu ku tilmaamay taariikh mucjiso.

“Taariikh mucjiso ah baa waayadaan maqalnaa. Ra’iisal Wasaare Xamse baa saxiixay soo jeedintii uu xilkiisa ku waayi lahaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin, oo Xamza kula yaaban meel-marinta qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee madaxweyne iyo ku-xigeen.

Waxa uu intaas kusii daray “Wallee tani deeqsinimo ka badan. Marnaba kuma ceebeynayo taasi, waayo danta Madaxweynihiisa ayuu ka hormariyey dantiisa shakhsiga ah.”

Sidoo kale wuxuu u duur-xulay in Xamza uusan markii horeba xilkaan ku haysan manfac, uuna sidaas u doorbiday in uu ku qanco qorshaha madaxweynaha oo uu hadda meel-marintiisa ku howlan yahay.

“Mudane Xamse, kolleyba xantiisa ma moogee, malaha markuu is qiimeeyey, waxaa usoo baxday (ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA).”

Arrintaan ayuu Fahad ku macneeyay sadaqo siyaasadeed, wuxuuna yiri “Tan saboonimo siyaasadeed kuma jirto, ee waxaa la dhahaa. SADAQO SIYAASADEED. Mudane Xamse ajar iyo xasanaad Allaha ka siiyo.”

Xukuumadda uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xamza ayaa wada dadaallo lagu meel-marinayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo dhaqan-gelinta heshiiskaas.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale mucaaradsan qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo