Sawirro: Sirdoonka S/LAND oo shaaciyay in uu qabtay saanad dagaal oo loo waday…

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa shaacisay in ay soo qabatay saanad dagaal iyo agab kale oo loo waday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Hay’adda NIA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay gacanta ku dhigtay illaa laba boqol oo taayir, oo ah noocyada gaadiidka dagaalka loogu tala-galay

“NIA_IntelSL oo ku daba jirta saanaddo dagaal oo ku wajahan kooxaha ka dagaalama Laascaanood ayaa gacanta ku dhigtey 200- oo taayir, oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka loogu tala-galay,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA.

Sidoo kale waxay sheegtay in iyada oo garabsaneysa laamaha nabad-gelyada ay burburisay shabakaddo adeegyo caafimaad gaadhsiiya kooxaha Laascaanood, sida lagu yiri qoraalka.

“Waxaa lagu soo qabtey (howl-galka) qalab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo agabka gargaarka degdegga ah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka hay’adda Sirdoonka Somaliland ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano NIA.

Sirdoonka Somaliland ayaa tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay hoggaan cusub, waxay warbaahinta la wadaageysay howl-gallada ay fuliso, iyada oo ku guulaysatay in ay gacanta kusoo dhigto dad eedaysanaal ah iyo qalab kala duwan oo ay sheegeen in uu amniga khatar ku yahay.

Sidoo kale waxa uu dhawaan Sirdoonka Somaliland baahiyay sawirrada 10 Nin oo ahaanib ah, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso ah.

10-ka nin ee Somaliland ay qabatay waxaa lagu sheegay qoraalkaan inay dhammaantood heystaan dhalashada dalka Marooko.

“Hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko” ayaa lagu yiri qoraal markaasi kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

Somaliland ma aysan shaacin sida ay ka yeelayaan xubnahaan ay qabteen ee ajaanibta ah.

Kooxaha argagixisada ah inta badan dhibaatooyin kama geystaan deegaanada Somaliland, waana dhul nabad ah oo ka caagan argagixiso, markii loo eego xaaladda ka jirta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.