FAHAD YAASIIN oo si yaab leh uga hadlay agaasimaha cusub ee hay’adda NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin ayaa markii u horeysay ka hadlay magacaabista Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA Mahad Salaad, kaasi oo dhawaan si rasmi ah ula wareegay xilka hay’adda.

Fahad oo sidoo kale ah Agaasimihii hore ee hay’adda NISA ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan si fiican u aqoon Mahad Salaad, taasi oo keentay in uu gacanta u geliyo hay’ad muhiim u ah amniga Qaranka, sida uu sheegay.

“Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud aqoon uma laha Mahad Salaad, haddii uu aqoon u lahaan lahaa ma uu magacaabeen. Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir Qaranka leeyahay la wadaaga Taliyaha cusub uu yahay qof la wadaagay sirtii qaranka Cadowga,” ayuu yiri.

Fahad ayaa si badheedh ah u maagay Mahad Salaad oo uu gaarsiiyay heer uu isla barbar-dhigo argagixisada Al-Shabaab, marka hadalkiisa laga imaadana ma jirto cadeyn muujineysa arrintaas.

Sidoo kale waxa uu ku faanay intii uu joogay xilka u sareeya hay’adda in uu ka sifeeyay wax ugu yeeray “fara-gelin shisheeye” iyo in xogaha dowladda si fudud ku helaan ajaaniibta kale.

“Waxaa hay’adda (NISA) ka saaray wax alaala iyo wixii fara-gelin Ajaanib ahaa oo hay’adda si xad dhaaf ah ugu dhex jiray.”

Si kastaba, Wareysiga Fahad ee xiligaan la baahinayo ayaa u muuqda mid laga leeyahay ujeedo siyaasadeed iyo in indhaha bulshada laga leexiyo eedeymihii cusla iyo gabood-falkii uu geystay intii uu joogay hay’adda.