Maxaa looga hadlay kulanka Rooble iyo Axmed Madobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada guud ee dalka iyo diyaar garoowga munaasibadda caleemo-saarka Madaxweynaha, oo la filayo in maalinta berri ah ka dhacdo gudaha caasimada dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad-celiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland booqashada uu ugu yimid iyo doorkii weyna ee uu kulahaa dhameystirka doorashooyinka.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb-galka Xafladda caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wada in kulamo kala duwan uu la qaadan doono Madaxda ka qeyb galeysa xafladda.

Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha oo beri dhaceyso ayaa waxaa lagu wadaa inay kasoo qab-galaan madax kala duwan, safiiro iyo marti sharaf kale oo caalami ah.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana maamulka gobolka Banaadir uu ka codsaday reer Muqdisho inay dul qaataan inta ay ka dhaceyso xafladda caleemo-saarka.

15-kii bishii hore ee May ayey aheyd markii ay dhacday doorashada Madaxweynaha oo mar labaad loo doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah xilka ugula wareegay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.