Wafdi ka socda ururka ONLF oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si weyn loogu soo dhaweeyey wafdi ka socda ururka ONLF oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Ururkaas Cabdiraxmaan Maadeey.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa waxay magaalada Muqdisho u yimaadeen ka qeybgalka xafladda caleemka saarka kadib markii ay casuumaad ka heleen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho soo gaaran wufuud kala duwan, kuwaas oo maalinta berri ah Muqdisho uga qeyb galaya xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ururka ONLF ayaa waxaa horey argagixiso ugu aqoonsan tahay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inkasoo Baarlamaanka uu diiday.

Go’aanka ONLF loogu aqoonsaday urur argagixiso ayaa waxaa lagu baneesanayey Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyey dowladda Itoobiya kaasoo hadda dib u helay xornimadiisa.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waqtigii uu ololaha ku jiray wuxuu ballan qaaday inuu sixi doono dhammaan waxyaabihii ay qaladay dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.