Fahad Yaasiin uma imaan nabad sugidda in uu ka fara-macaysto (Aqri Qormo Xiiso Badan)

GUUGUULAHA SIR-DOONKA: Sirdoonku ma fan baa mise waa cilmi-saynis? Maya, ee waa labadaas oo wada jira, bilowgii hore waxaa la falkiyey qaybta fanka ah ee “The art of intelligence”. Maanta oo la joogona, sir-doonku waa cilmi Saynis buuxa “Scientific and Technical Intelligence”. Dawladaha adduunku si joogta ah ayay isu basaasaan iyaga oo ilaashanaya danahooda amnni iyo kuwa dhaqaale. Farsamooyinkii hore waxaa ku soo biiray kuwo hor leh oo maanta ay tiknaloojiyaddu hormuud u tahay.

Taariikhda cusub ee Soomaaliya waxay xasuusantahay, 12 sano oo nabad sugiddu aad u xoog badnayd, xilligaas oo uu madax ka ahaa S/Guuto #Axmed_Saleebaan_Dafle oo isagu aasaasay Nabad Sugiddii Soomaaliya NSS. Nabad sugiddaasi, shishe iyo duluc bay lahayd, wixii dumey bay lahayd.

Maanta, Afarta waaxood ee sir-doonku ku hawlgalaan, midna cago fiican kuma taagnna, waxaa badan kuwa la iibsan karo ee dalkooda basaasa. Ma maqashay doodda odhanaysa, Qalbi Dhagax waxaa galaaftay xog khaldan oo madaxda qaranka la siiyey? Haddii aad maqashay! Ogow kolkaas laamaha ammaanka oo dhammi dib-u-eegid qoto dheer ayay u baahnaayeene!

Fahad_Yaasiin, nabad sugidda uma uusan iman in uu ku “fara-macaysto” – Fara macaysigu waa maxay? Waa marka qof meel dan la’aan la fadhiya loo keeno shaqo fudud oo isaga oo fadhiya uu faraha ka qaban karo, sida xadhig la soohayo oo kale – Ee waxaa loogu magacaabay in uu shaqadaas ka soo dhalaalo.

Sanadkii hore, waxaan jaanis u helay in aan muddo saddex bilood ah si iskaa-wax-u-qabso ah ula shaqeeyo qaybaha kala duwan ee ciidanka, durba waxaa ii muuqatay dhaliilo caad yaal ah oo laamaha ammaanka ku fidsan, waxanse ogaa dadaalka Madaxwaynuhu ugu jiro sidii uu dalku ku helilahaa ciidan xoog leh oo gaashaan u noqda ciidda iyo calanka Soomaaliya.

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya tan iyo maalintii uu ka tagay Axmed S. Dafle lama sheegin wiil kale oo isaga oo shaadh cad galay, misna shaadh cad kaga baxay! Waxaanse ku male waynahay ninkii labaad in uu yahay #Fahad_Yaasiin oo inta aan ka aqaanno u diyaarsan in uu hoggaamiyo sir-doonka dalkeenna. Magacaabistiisu, waxay qaydar qodaxdii kaga qadhaadhahay wadankeenna kii dhibaya, dhagartiisa kii galaya.

W/ Qoray

Abdirashid M. Hashi