Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka maamulka somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hor yimid qorshe uu magaalada Hargeysa la tagay ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas Kay.
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Kay uu wado danaha maamulka Puntland iyo qorshe Soomaaliya looga maamulayo Garoowe.
Waraabe ayaa sheegay in Nikolas Kay uu af aan taageero laheyn ku dhisay maamulka isku magacaabay Jubba ee Axmed Madoobe uu hogaamiyo, islamarkaasna uu fuliyo danaha maamulka Puntland.
“Waxaa weli wadaa gobolladii beenta ahee Maxamed Siyaad Barre sammeeyey si uu ugu daneeyo reerkiisa, waana waxa iminka ay wadaan Kay iyo Puntland” ayuu yiri Waraabe.
Faysal ayaa sheegay in la doonayo in 18-kii beenta ahaa ee Maxamed Siyaad lagu dabaqo Somalia, oo maamullada federaalka ay badankood yeeshaan beesha Daarood, taasi oo aan u cuntami Karin Hargeysa iyo Muqdisho.
“Hargeyska iyo Muqdisho waa inay gacanta is-qabsadaan” ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray in Nicholas Kay uu ka shaqeynayo danaha Puntland iyo beelaha Daarood, si uu awoodda Somalia gacanta ugu geliyo, taasina aysan socon Karin.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Maamulka Somaliland ee UCID Eng Faisal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Qorshaha Hub ka dhigista ay Dowlada Federaalka ka wado Gudaha Magaalada Muqdisho.
Eng Faisal waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Kooxaha Hubeysan lagu sameeyo Hub ka dhigis, balse uusan u arag qaabka ay Dowladu sameyneyso qaab Dowladeed.
‘’Wey fiican tahay in hub ka dhigis la sameeyo, laakin waxaa loo baahan yahay in la maro wado nidaam ah oo ay ku kala nabadgalayaan Ciidamada iyo dadka shacabka, waxaa looga baahan yahay in Dowladu aysan ku degdegin xiligaani maadama ay caqabado badan jiraan’’ Sidaa waxaa yiri Faisal Cali Waraabe.
Hoos ka dhageyso wareysiga Feysal Cali Waraabe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]