KENYA oo lagu amray in aysan qasbi karin qoxootiga Somalida ee dalkeeda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya lagu qasbay in ay sii heyso qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminaayo wasiirka koobaad ee xukuumadda, Cabdiweli Sheekh Axmed kana qeybgalay shir looga hadlaayay qoxootiga Soomaalida ee waddamada gobalka ku nool ayaa sheegay in Kenya ay ballan qaaday in ay sii martigalin doonto qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda gaara.

Wasiir Goodax ayaa tilmaamay in shanta dal ee ka qeybgalay shirkii Addis Ababa oo kala ahaa Ethiopia,Kenya,Jabuuti, Yemen iyo Uganda, in ay ballan qaadeyn in ay sii martigalin doonaan qoxootiga Soomaalida ee gaara waddamadooda.

Sidoo kale wuxuu sheegay shirka oo ay martigalisay hey’adda QM u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR looga dooday siddii loo caawin lahaa dowladda Soomaaliya si ay u soo ceshato dadka waddamadan ku nool.

Wuxuu xusay in dowladda Kenya si gaar ah loogala hadlay in ay joojiso xad-gudubka ay ku heyso Soomaalida dalkeeda ku nool.

Si kastaba, shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dalka Itoobiya loo gartay meesha ugu horeeysa ee martigaliyay qoxootiga ugu badan caalamka.

Kenya ayaa ahaa dalka ugu horeeya ee martigaliyay qoxootiga ugu badan caalamka balse dagaallada ka socda Koonfurta Sudan ayaa ka dhigay Itoobiya meesha ugu badan oo caalamka ay ku nool yihiin qoxooti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

Caasimada@live.com