Maleeshiyada Ax’ed Daaci oo loo digay

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdullaahi Afrax ayaa sheegay in degmadiisa ay ka billowdeyn howgal hubka sharci darrada looga aruurinaayo maleeshiyaad ka amar qaata Axmed Xasan Caddow oo dowladda u xiran.

Wuxuu sheegay in degmada laga mamnuucay in wax hub ah lala dhexmaro marka laga reebo ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliska ee degmada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa carabka ku adkeeyay in ammaanka degmada uu yahay mid la isku haleen karo oo aaney ka jirin wax qalqal ah tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday gurriga uu deggan yahay guddoomiyihii hore Axmed Daaci.

Guddoomiyaha oo dhinaca kale wax laga weydiiyay weerarkii lagu qaaday Axmed Daaci ayaa ka gaabsaday wuxuuna ku koobay in arrintaas loo xilsaaray guddi heer wasiir iyagana laga war sugaayo.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa carabka ku adkeeyay in tallaabo laga qaadi doono askarigii lagu arko isagoo wata hub oo aan wax shaqo ka heynin degmada ama qof hubeysan.

“Ammaanka degmada waxa uu xil ka saaran yahay maamulkeyga, mana loo dul qaadan doono in qof hubeysan oo aan sharci lahayn uu degmada hub ku heysto” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Afrax.

Digniinta ka soo baxday maamulka degmada Wadajir ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan degmadaas uu ka dhacay howgal hubka looga aruurinaayay hoggaamiye kooxeedyada uu ka mid yahay Axmed Daaci, balse howgalkaas waxaa ka dhashay khasaaro dhimmasho iyo dhaawac.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com