Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu xalay qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo saaray warsaxaafadeed uu uga hadlay colaadda ka taagan gobolka Gedo.
Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, isagoo u rajeeyay dhaawacyada in Alle u boogo dhayo oo caafimaad degdeg ah siiyo.
Sidoo kale Madaxwayne Xasan ayaa faray Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameeyeen xaaladaha ka taagan gobolka Gedo.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ciidamada Jubbaland ee ka tallaabay xuduudda dalka aan dariska nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii, isaga oo ballan qaaday in aan la dhibaateyn doonin, loona raacan doonin wax dambi ah.
Haddaba sidee looga fal-celiya hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh?
Cabdi Daahir Aadan: “Meel aad dab ka shiday dhinacyada ku lugta leh waxba ha oran ina Sheikhow.”
Maxamed Cabdullahi Xasan: “Fidno oo isaga ka shaqeeyey muxuu ugu qasbanaanaa in uu ka tacsiyeeyo?”
Maxamuud Macallin: “Dhinacyada ku lugta leh yay noqon karaan?”.
Maanka Axme Nuur: “Tacsi maxay taree haddiiba wiilal Somaaliyeed lagu leynayo dhulkoodi iyo dadkoodi dhaxdiisa “.
Abuukar Cali Cismaan: “Markaa Gedo dantaa ka laheyd gaarty maa waraaq so diree?”.
Maxamed Cabdinaasir: “Waxaad arkeysaa qof ku dharbaaxey haddana ku leh raali noqo ama qof dagaal kula soo aadey haddana ku leh nabad ayaan kuugu baqayaa”.
Saalax Salaad Axmed: “Hadalka dowlada haddii la dhuuxo waxaa ka muuqato in saraakiisha meesha joogto aanay matalin”.