Shacabka oo falcelin caro leh ka bixiyey heshiiska Badda ee Itoobiya iyo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka Soomaaliyeed ayaa si deg deg ah uga falceliyey heshiiskii ay maanta Addis Ababa ku kala saxiixdeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo dhigaya in Somaliland ay deked iyo saldhig ciidan siineyso Itoobiya.

Waxaan soo uruurinay dhigaaladii ugu xiisaha badnaa falcelinta bulshada, waxaana xusid mudan in isla caawa ay heshiiskaas ka falceliyeen xukuumadda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood, qormadaan ayaad uga boga kartaan wixii laga yiri heshiiskaas.

Ugu horeyn, Abdirisak Idiris Abdilahi Shacrawi oo qeybta faallada ee Facebook aragtidiisa ku soo dhiibtay ayaa yiri, “Heshiishkani laba dhinac waa ka saamayn karaa Somaliland, mid faa’iido iyo mid faa’iido daro.

  1. Mida dhinaca wanaagsan haddii dhinaca dhaqaale mid amniga laga wada shaqeeyo iyo aqoonsi buuxa oo kow ah waa guul weyn oo ay gaartay Somaliland.
  2. Mida labaad waa in la siinayo bad ay ayadu gaar u leedahay oo waligeed ay yeelanayso, laakiin heshiishka ka mid maaha haddii ay dhacdo oo la siiyo waxay samayn doontaa dhul balaadhsi, taasina side effect ay leedahay.

Waxaa heshiiskaas la hor keeni doonaa gollaha wakiilada Somaliland, kadib ayuu dhaqan-geli karaa heshiishkaasi. Gollaha wasiiradana shaqo ayuu idiin sameeyay aad ka doodaan bari.”

Zaki Shiine ayaa isna yiri, “Intaan ciyaaro ku mashquulsaneyn wakaas Muuse Biixi badeenii Ethiopia siiyay.”

Nazir Huzen Arteh ayaa yiri, “Waxaan aad u qoslaa markuu masuul ka tirsan dawlada Soomaaliya ka hadlo badda Somaliland, isagoo aan 32 sanno Hargeysa soo dhex istaagin, ma la odhan karaa iyaga oo soo jeeda ayay riyoonayaan?”

Mahad Mohamud Osoble ayaa isna arrintaas ka yiri, “Kenya sida ay ugu fashilantay in qeyb baddeena kamid ah ay qaadato, si lamid ah ayey Ethiopia ugu fashilmi doontaa, middaas marnaba shaki yuu kaa gelin. Dhul ninkiisii baa iska leh.”

Omar Mire ayaa isna yiri, “Shacabku waxay dareenkood waddaniyeed muujiyaan marka Dawladdu hadasho oo mowqifkeeda cadayso. Markaasbaa shacabku hawlgali karaa. Tan kale Dalkeenna Ismaaciil Omar Geelle mushkilad uusan ka shaqayn kama dhacdo Soomaaliya. Weynu adkaan inshallah.”

Mohamed Hussein Mohamed ayaa yiri, “Alla doqonsanaa Muuse? Laakiin ilaahay mahadiis ah waxaan waa sheeko oo warqad aana Xamar laga saxiixin waxba kama jiraan, sida uu qabo sharciga adduunka.”

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa beri Shir degdeg ah la isugu yeeray “si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland.”

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si xooggan u dhaleeceeyey heshiiska ay Addis-Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiiska ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Kheyre.

Wuxuu Kheyre intaas ku sii daray, “Hadii aan nahay madax iyo shacabba, waa in aan u midownaa kahor tagga tallaabadan ay Itoobiya isuga dayayso qabsashada qeyb ka mid ah biyaheena, sidoo kalana lagu tir tirayo mabaadii’dii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4aad, faqraddiisa B.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna yiri, “Ilaalinta Gobonimada iyo Siyaadada Qaranka Soomaaliyeed waa Mas’uuliyad Dastuuri ah oo Dadka Soomaaliyeed ay u Wakiisheen Dowladdooda. Ficil kasta oo halis galinaya mabaadi’daas waa in dowladdu ka qaaddo talaabo cad oo u dhiganta falka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia.”

Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Go’aannada masiiriga ah ee taabanaya Madaxbanaanida Qaranka waa in aan meel uga soo wada jeesanno isla markaana ka hortagno damaca Ethiopia ay ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya taas oo ah dhaxal ay leeyihiin ubadkeennu. Waxaan rajeynayaa in Xukuumaddu ay qaadato go’aan u qalma ficilka xadgudubka ah ee kasoo yeeray Adis-ababa.”