Xasan Sheekh oo maanta hortegaya BFS iyo qorshe xasaasi ah oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortegi doona Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo la isugu yeeray kulan aan caadi aheyn.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay farriimo u diray Xildhibaannada labada Aqal inay maanta isugu yimaadaan kulan degdeg ah oo uu khudbad ugu jeedinayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulankaan degdega ah ee la isugu yeeray baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya kaddib markii Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ay kala saxiixdeen heshiis badda Soomaaliya 20-KM looga siinayo Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta baarlamaanka uu ka hor jeediyo khudbad xasaasi ah, isagoo si cad ugu dhawaaqi doona mowqifka Soomaaliya ee ku aadan damaca Itoobiya.

Dhinaca kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay go’aan ka soo saarto heshiiska dowladda Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ay kala saxiixdeen, kaas oo xadgudub ku ah Qarannimada iyo Madax bannaanida Soomaaliya.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta isugu imaanaya shir degdeg ah, kaas oo go’aan looga gaari doono tallaabada xasaasiga ah ee Itoobiya ay qaaday shalay.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegaya in go’aanka Xukuumadda uu noqonayo mid gebi ahaan lagu qaadaco heshiiskaas iyo tallaabooyin kale oo saameynaya xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad xoogganaa, waxayna Itoobiya saaxiib dhow la aheyd Xukuumaddihii dalka isaga kala dambeeyay tan iyo sanadkii 2004-tii.

Kulamo wadatashi ah ayaa u socda Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Kuxigeenkiisa, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, La Taliyeyaasha Amniga, arrimaha Sharciga iyo diblomaasiyadda, kuwaas oo go’aan looga gaarayo damaca iyo isku dayga Itoobiya ku dooneyso inay kula wareegto qeybo ka mid ah Badda Cas ee Soomaaliya.