War ka cusub ninkii ay qabatay NISA ee qaraxyada u qaabilsana Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku dhowaaqday xukunka Ibraahim Cusmaan Macalin Abiikar oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta qaraxyada.

Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda sidoo kalana dhageystay qaar kamid ah dhibanayaasha kiiskan ayaa ugu danbayn maanta Ibraahim ku xukuntay cimrigaa haku furto (xabsi daa’in).

Xukunka maxkamadda ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Garsoore Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed wakiilka Maxkamadda Ciidamada Qaybta Lixdanaad.

Sidee loo soo qabtay ninkaan?

Ibraahim Cusmaan Macalin Abiikar ayaa loo soo xiray 22-kii July ee 2023, wuxuuna kooxda u qaabilsanaa qeybta qaraxyada iyo kala gudbinta agabyada ay u baahanyihiin isagoo isticmaali jiray Mooto Fekon.

Waxaa deeganka Dugaandug ugu yimid Daahir oo isna ka mid ahaa Maleeshiyada una sheegay in uu wado qarax ayna rabaan in uu geeyo magaalada Baydhabo, Bartilmaameedkuna uu yahay goob dadka isugu yimaadaan.

Waxa uu soo qaaday Daahir iyo Miinadii waxa uuna ku aasay Kaam Xagarka Buush ku yaala, waxaa halkaa ku geeriyooday saddex qof halka lix kalana ay ku dhawacmeen.

Ciidanka Hay’adda Nabad-sugida ayuu u soo gacan galay Ibraahim Labo iyo labaatankii bishii July ee sanadkii hore, halka Daahir uu wali fakad ka yahay gacmaha laamaha sharciga.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Ibraahim, waxaana laga ogolaaday sagaal iyo tobankii bishii December ee sanadkii tagay.

Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda sidoo kalana dhageystay qaar ka mid ah dhibanayaasha kiiskan ayaa ugu danbayn maanta go’aan ku dhowaaqay xunka Ibrahim Cusmaan Macalin Abiikar.