Fal-celin culus oo ka dhalatay is-casilaada wasiirka difaaca Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeyr ayaa maalin kahor iska casilay xilka xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ee wakhtigeedu dhamaaday.

Wasiir Caateeye ayaa is casilaadiisa markaas ku sababeeyey in uu kasoo horjeedo heshiiska Soomaalidu ka carootay ee Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya, kaasi oo  1-dii bishaan magaalada Addis Ababa ku dhex-maray Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed.

Caateeye oo ka soo jeeda beesha Ciise ee degta Saylac, ayaa waxa uu sheegay in umadda Soomaaliyeed ee diiday damaca Muuse Biixi iyo Itoobiya uu ku qalbi yahay, isagoo wacad ku maray in marnaba aysan Xabashi iman doonin dhulka Soomaaliya.

Tallaabada uu qaaday wasiirkii difaaca ee uu iskaga casilay xilkii xukuumadda Muuse Biixi ayaa fal-celin xooggan ka dhaliyay baraha bulshada Soomaalida.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Cabdifatax Xaaji Yuusuf “Wuu mahadsan yahay wasiirku, nin in uun caqli kujiraa qaris ka tuurnimada Muuse u dulqaadan maayo.”

“Intaadan fallin ka fiirso, waqtigiisa dhamaaday,” ayuu yiri Maxamed Daahir Xaashi oo ka fal-celiyay tallaabada uu qaadaya wasiirkii difaaca Somaliland.

Cabdullaahi Sheekh ayaa isna waxa uu yiri “Muuse iyo ninkaan kala da’ weeyi laakiin weyninku iyo qadiyadu waa kala gooni nin ka yar Muuse ayaa gartay dhagarta xabashida.”

Maxamed Salaad ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Wasiirka amnigiisa halis wayn bay ku jiraa ee waxaan farayaa shacabka Saylac iyo reer Awdal oo dhan in ay wasiirka qmnigiisa si wayn u ilaaliyaan. Sababta oo ah hadda wuxuu leeyahay laba cadow oo waa wayn, waana Biixi iyo Abiy. Alle ha badbaadiyo ayaan leeyahay.”

“Muwaadinkan Wasiirka uu iska casilay wuu ku mahadsan yahay dowlada federaalka waa inay ku abaal-marisaa xil muhiim ah oo dhiiri-galin ah,” ayuu yiri Saciid Aadam.

Axmed Cali: “Wallee ictiraafkii waa u dhamaatay Muusow waa ku fashilantee heshiis beenaadkii xabashida aad la gashay.”

Cabdiqaadir Muxiyadiin oo ka fal-celiyay tallaabada uu qaaday wasiirkii difaaca Somaliland ayaa waxa uu yiri “Taariikhda ayaa ku xusi doonta Mudane guuleyso!. Ninkii danta dadkiisa iyo deegaankiisa garta ayaa garan kara qiyamka noloshiisa shaqsigaana.”