Falastiin oo Qudus uga yeertay ergaygeeda u fadhiyay dalka Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Qadar Maamulka Falastiin ayaa dib usoo celiyey ergaygeeda u fadhiyay dalka Mareykanka.

Wargeysyada oo xiganaaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegay in sababta dib usoo celinta ergayga ay tahay mid ka danbeysay ka dib go’aankii muranka dhaliyay oo  xukuumada Washington ay Qudus ugu aqoonsatay caasimada Israel.

Maamulka Falastiin, ayaa sheegay in talaabada ay qaaden ay ka turjumeyso go’aanka maamulka iyo shacabka Falastiiniyiinta, maadaama Xukuumada Washington ay ka dheereysay talaabadeeda.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa hore u sheegay in aysan aqbali doonin qorshe kasta oo nabadeed oo Maraykanku soo saaro ka dib go’aankii eexashada ee madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay 6-dii December sanadkii tagay.

Sidoo kale, tirada ugu badan wadamo xubno ka ah QM ayaa sidoo kale ka soo horjeestay tallaabada Maraykanku ugu aqoonsaday Al Qudus caasimadda Israil.

Dhinaca kale, Xukuumada Washington ayaan weli ka hadal go’aanka uu maamulka Falastiiniyiinta kusoo saaray ergaygooda Washington.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com