Janaaso siyaasadeed oo maanta lagu dukaday magaalada Muqdisho!!

Siyaasiyiinta dowladda Soomaaliya mucaaradka ku ah oo ay hor ka cayaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa Maanta magaalada Muqdisho ku dukaday Janaaso Siyaasadeed.

Siyaasiyiintaan ayaa sheegay inay Janaaso u dukanayaan askartii ku geeriyootay howlgalkii ay Ciidamada dowladda ku fuliyeen Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Fikir ahaanteeda Janaasadaan ayaa iila muuqato inay tahay mid siyaasadeed oo aysan ujeed kale ka dambeyn.

Haddii ay Shaki kaaga jirto inay janaasadaan tahay mid siyaasadeed Fadlan is waydii sababta aysan siyaasiyiintaan Janaaso ugu dukan:

  1. Dadkii Boqollaalka qof ahaa ee ku dhintay Qaraxii Musiibada ahaa ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho 14 October ee sanadkii hore.
  2. Dadkii ku dhintay weerarkii Bariire oo sida la ogyahay ay ku dhinteen ilaa 10 qof oo shacab ah kuwaas oo intooda badan ay Siyaasiyiintaan isku beel ahaayeen.

Haddaba waxaa kuusoo baxeyso markii aad fiiriso inaysan siyaasiyiintana wax janaaso ah u dukan dhammaan dadkaas inay midaan tahay mid laga leeyahay dano siyaasadeed.

Waxaa wax laga xumaado ah inay Siyaasiyiitaan Maanta siyaasada kasoo gashay Janaaso, iyagoo mar kasta raadinayo meesha ay dowladda Soomaaliya ka mucaaradi karaan.

W/Q: Cabdirisaaq Ahmed Muxiyadiin

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid