Xil. Xasan Macalin oo ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Siyaasada dalka (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay Hanaanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka uu u go’aamiyey eedeynta xeer ilaaliyaha ee loo gudbiyay guddiga.

Xildhibaan Xasan Macalin oo u waramaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in eedaasi ay aheyd mid waxba kama jiraan ah oo aan loo heyn xaqiiq lagu kalsoonaan karo.

Xildhibaan Xasan ayaa tilmaamay in go’aankii shalay ee guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Somalia uu dawo u ahaa sharciga, waxa uuna carab dhabay in baarlamaanka uu yahay mid sharci ku shaqeeya.

Isagoo Xildhibaan Xasan ka hadlaayay go’aankaas ayaa waxa uu yiri ‘’Runtii go’aankaas waxaa uu ahaa mid lagu qotomiyay sharciyada baarlamaanka waayo waxaa uu leeyahay nidaam sharci’’

‘’Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka laga soo bilaabo maalintii la keenay eeda ilaa iyo hadda waxay ka baaraan degayeen qaabkii ay u eegi lahaayeen oo ay u fiirin lahaayeen, guud ahaan waxaa loo arkaa eedaas inay iska aheyd eedeyn siyaasadeed oo sal iyo raad toona aan laheyn”.

Waxa uu Xildhibaan Xasan sheegay inay ka fogaaden in awood iyo xabad lagu raadiyo xalka dalka, waxa uuna taa bedelkeeda tilmaamay inay ku raadinayaan Siyaasad.

Xildhibaan Xasan Macallin ayaa mar kale yiri “Go’aanka guddiga joogtada waxaan filayaa in wadadii saxda aheyd uu lugta u saari doono, arimahaana meelihii ay lahaayeen waa siyaasadeed,  siyaasad la aadi doono oo aysan jiri doonin wax la yiraahdo xabad xarig iyo xoog isku sheegasho inaysan jiri doonin ee la aadi doono jidkii siyaasadda”

Waxa uu sheegay inaanu ka waaban doonin inuu ka hortago in shacabka uu matalo lagu hogaamiyo Siyaasado khaldan, waxa uuna cadeeyay inay ka hortagayaan wixii caqabad ay u arkaan oo aysan dareensaneyn dowlada.

Waxa uu mar kale yiri Xildhibaan Xasan ‘’Anagu waxaan nahnahy siyaasiyiin,  waxaan dadka u qaabilsanahay siyaadda dalka, oo waan ku matalnaa marka in nidaamkii aan naqaanay habdhaqankii siyaasadeed in lagu soo noqdo ayuu baarlamaanka ku guuleystay inuu meesheedii u soo celiso.”

Sidoo kale, Xildhibaan Xasan waxa uu sheegay in khaladaadka dhacay ay kamid aheyd weerarkii lagu qaaday Hooyga C/raxmaan C/Shakuur oo loo adeegsaday qori caaradiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu aad uga xun yahay falkaasi iyo wixii lamid ah.

‘’Talaabada ceynkaasi ah waxa ay muujineysaa inuu jiro fashil Hogaan Siyaasadeed oo u baahan in loo helo isbedel dhab ah’’

Waxa uu sidoo kale tusaale usoo qaatay weerarkii lagu qaaday Hooyga Senatar Cabdi Qeybdiid taa oo uu sheegay inay u baahan tahay baaritaan fog oo u baahan Asbuucyo.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay isagoo u waramaayay Idaacada GJ in xaaladda dalka ay ku socto mugdi badan iyo welwal badan ‘’waxaad moodaa mararka qaarkiis in siyaasaddii iyo hogaankii ayba ku adkaatay inay gacanta ku hayaan arimihii dalka”.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com